Extension Logo
Extension Logo
University of Minnesota Extension
extension.umn.edu

Biosukuriti for pigeon lofts: Ka hortagga cudurka xeryaha qoolleyda

Si fudud, Biosukuriti waa wixii aad sameyn lahayd si aan u joojiso in cudur ku faafo xeradaada ama uu meel kale kaaga yimaaddo. Si guud, waa hanaanka rasmiga ah ee lagu joojiyo in bakteeriya ama feyras ay ugu kala gudbaan labo xayawaan, labo xero, mararka qaarna, labo qof. Alaabada biosucuritiga loo adeegsado, qasab ma aha inay qaali noqdaan. Run ahaan, marka laga yimaaddo kharashka waxyaabaha jeermiska lagu dilo, ama haddii dadka qaarkood ay rabaan inay xirtaan marada dharka laga kor gashado, koofiyad iyo waxyaabaha kabaha laga kor gashado, alaabta Biosukuritiga waa la xakameyn karaa, oo waa in ay aad u yaraadaan. Marar badan, xeryaha lacag yar baa lagu dhisi karaa, si deg-deg ah ayaana loogu sameyn karaa halbeegyo Biosukuriti oo ku filann, xitaa haddii xeyndaabyo lagu wareejiyo.

Dadka xerada ka shaqeynaya badankoodu waxay raacaan halbeegyo Biosukuriti oo waxtar leh:

  • Tuumbada biyuhu kasoo baxaan oo labo mar la nadiifiyo maalin walba waa Biosukuriti.
  • Laamaha ama meelaha kale ee shimbiruhu ay ku istaagaan oo la nadiifiyo ama la masaxo waa Biosukuriti.
  • Dulinka oo xerada laga buufiyo waa Biosukuriti.
  • Cuntada shimbiraha oo lagu xereeyo saxaarad (weel) bir ah, kaas oo aanu jiirku (dooligu) gali karin waa Biosukuriti.
  • Koonfiyad la xirto inta beerta lagu dhex jiro waa Biosukuriti.
  • Qoolleyda (Xamaamka) cusub oo 14 maalmood meel gaar ah lagu hayo waa Biosukuriti.

Kuwani waa halbeeyo guud oo Biosukuritiga la xiriira, kuwaas oo badankeenu aan maalin walba sameyno – waxaan u sameynaa si aan uga hortagno fiditaanka cudurka. Sidaas waligeen ugama aynaan fikirin – inaga oo Biosukuriti u jeedna! Mar-marka qaarkood, inaad bedeshid habkii hore ee aad wax u sameyn jirtay, waxay keenaysaa inaad Biosukuriti ku filan sameysay, sida habka aad u ilaalisid weelka ama qalabka kale ee cuntada shimbiruhu ku jirto (waa haddii ay xerada dhex yaallaan.)

Iyada oo la eegayo fahamka aan ka haysano meesha ay ka yimaaddaan iyo sida ay u fidaan waxyaabaha cudurka keenaa, talooyinka soo socda ayaa loo dejiyey si looga hortago fiditaanka ay feyraska iyo bakteeriyadu ku fidiyaan saxaaradaha is-garab yaalla ee qooleyda (xamaamka), oo markaa looga hortago caabuq cusub oo ku yimaadda shimbiraha cudurka u nugul. Talooyinka soo socda waxa loo qeybiyey (1) tijaabooyinka ugu wanaagsan ee horay loo soo sameeyey (Best practices) iyo (2) kuwo beddel u ah kuwo kale (alternate practices) si loogu fuliyo saxaarad walba.

Waxaan sameynay talooyinkan oo ku saleysan saddex hanaan oo Biosukuriti ah, kuwaas oo kala ah gooni ama gaar-u-saarid, socodka oo la xakameeyo, iyo jeermiska oo la dilo.

Gaar-u-saaridda waxa looga jeedaa in shimbirahaaga aad ku hayso meel xaddidan. Sida xero shimbirahaagu ay ku dhex jiraan oo xayawaanka kalena ka horjoogsanaysa.

  • Xad u sameyn. Shimbiraha isku nooca ah oo kasta waa in gaar loo saara oo shimbiraha kale laga fogeeyaa, gaar ahaan nooc kasta oo digaag (dooro) ah.
    • Tijaabooyinka ugu wanaagsan: Sida ugu wanaagsan ee saxaaradda gaar loogu saari karaa waa iyada oo xero loo sameeyo xadka saxaaradda si shimbiraha kale looga horjoogsado.
    • Tijaabooyinka beddelka u ah kuwa kale si gaar-u-saarid loo sameeyo waxaa ka mid ah:
      • Haddii dariskaaga ayna shimbiro joogin ama aanad daris lahayn, markaas xeradaadu gaar ayey u saaran tahay.
      • Haddii dariskaagu digaag leeyahay oo xeradaada ay isa soo dhex galayaan, ka codso inuu guuro ama aad adigu guurtid, ama sida ugu wanaagsan, aad labadiinuba kala u kala fogaataan sida ugu suurto galsan.
    • Waxyaabaha sahlaya gaar-u-saaridda:
      • Albaabadu waxay mar-marka qaar kaalin ka geysan karaan gaar-u-saaridda, iyada oo aan xayndaabba loo baahan. Albaabka ku gudban waddadu waxa uu si weyn wax uga taraa isu socodka baabuurta. Hase yeeshee, albaabada waa in la xiraa si ay waxtar u yeeshaan.
      • Xad kala qeybiya saxaaradaha iyo shimbiraha waa in la helaa, xitaa haddii uu jiro xeyndaab hagaagsan. Si xadkan loo sameeyo waxa laga yaabaa inay arrintu u baahato in aad dariska gorgortan kala gasho in xerada shimbarahooda ay u raraan meel ka fog meesha xeradaadu ku taallo.
  • Shimbaraha cusub ee kuwii sii joogay ku soo biiraya. Shimbiro cusubi waxay xerada keeni karaan waxyaabo keena cuduro aan horay loo aqoon.
    • Karantiimee shimbiraha cusub ugu yaraan 14 maalmood. Arrintani waa waajib.
    • Sii iibso qalabka wax lagu tijaabiyo haddii dhaqaaluhu kuu saamaxo ama la heli karo.
  • Ka fogow in shimbaraha kale ay is dhex galaan, gaar ahaan digaaga (doorada). Shimbaraha kale waxay xambaari karaan waxyaabaha keena cuduro qofka xamaamka (qooleyda) lihi uuna u baahneyn inay xeradiisa soo galaan. Hoos waxa ku qoran goobaha ay shimbiruhu iskugu iman karaan. Gobbahaas waxa loo soo kala hormariyey sida ay ugu kala daran yihiin khatarta keenidda cudurka.
    •  
      • Suuqyada, goobaha xaraashka iyo goobaha shimbiraha sida carwada loogu soo bandhigo.
      • Shimbiraha dhintay, gaar ahaan, xamaamka (qooleyda.)
      • Shimbiraha la korsado ama goobaha lagu iibiyo cuntada shimbiraha ee, iyaguna iibiya xamaam ama qoolley fara badan.
      • Ugaarsiga (nooc kasta oo shimbir ama xayawaan ah).
    • Tijaabada ugu Wanaagsan (best practices): Ka fogow shimbiraha kale, gaar ahaan digaagga. Markii shimbiraha xiriir dhex maro, dharka iska beddel oo qubeyso ka hor inta aadan xerada ku noqon. Hanaankani waa muhiim, maaddaama xiriirka kor lagu sheegay koodii ugu xumaa ama darnaa la sameeyey.
    • Tijaabada beddelka u ah kuwo kale (alternate practices): Ka fogow xiriirka kiisa ugu xun ee shimbiraha kale lala yeesho. Markii xiriir aad la sameyso shimbiro uu leeyahay qof saaxiib ah ama dadka ay hiwaayadda u tahay shimbiro dhaqashada oo aad loogu kalsoon yahay, xiro dhar wax kaa ilaaliya oo marka dambe aad xerada uga dhex tagto. Gacmaha si wanaagsan saabuun iyo biyo ugu dhaq ka hor inta aadan xeradaadii ku noqon. Qacmo dhaqistu waa hababka ugu sahlan, uguna waxtarka badan ee Biosukuriti ee aan heli karno.
  • Isku diyaari inaad adigu is karantiisho. Markii qof ururka xubin ka ah uu xeradiisa cudur ka jiro, waa inuu diyaar u yahay in qaado tallaabooyin dheeraad ah oo uu kaga hortagayo inuu cudurku ku faafo xubin kale oo ururka ka mid ah. Talaabooyinkaas waxa ka mid ah in aadan shimbiraha dhaqaajin, aad joojiso booqashooyinka aan lagama maarmaanka ahayn, iyo in xeryaha kalena loo sheego in laga yaabo in si aan ku talo gal aan ahayn u ucudur ugu soo galay.

 

In isu-socodka la xaddido waxaa ka mid ah in xeradaada/dhismahaaga la soo galo ama in la xaddido isu socodka aad adiga ama dadka ku soo booqanayaa ay xeradaada ku imanayaan. Mar-marka qaarkood wax-ka-beddel aad ku sameyso sidii aad hawsha u qaban jirtay ayaa ku filan inay ka hortag wanaagsan noqoto.

  • Dadka soo booqanaya. Sida ugu fudud ee aad kaga hortagi karto faafidda cudurka waa inaad xaddido dadka ku soo booqanaya. Dadka ku soo booqanayaa cuduro ayey ku keeni karaan xamaamkaaga (qooleydaada.) Arrintani waxay, gaar ahaan, lagama maarmaan tahay, markii khatar badani jirto, tusaale ahana, marka ay kuwa yar-yari korayaan ama markii tartan uu ka jiro xaafadahaaga.
  • Dharka ka-hortagga loo Isticmaalo. Dadka soo booqanaya xeradu waa inay xirtaan dharka ka-hortagga, sida waxyaabaha kabaha laga kor xirto si looga hortago in kabuhu ay cudur soo qaadaan. Dadka soo booqanayaa waa in ay gacmahooda nadiifiyaan, maxaa yeelay dadka qaarkii isma celin (kama joogi) karaan ilaa ay qooleyda taabtaan.
  • Waa in la dhajiyaa tabbeelle ama calaamad hor-joogsanaysa booqashada aan la sii qorsheyn. Calaamadda waa in lagu dhejiyaa albaabada si dadka iska socda looga horjoogsado inay xerada iska soo galaan. In kasta oo arrintani ay tahay mid sameynteedu ay fududahay, haddana waxtar weyn ayey yeelan kartaa.

Nadaafaddu waxay ka hadlaysaa in alaabada, qalabka kale iyo waxyaabaha dadku xiran yahayba kiimiko lagu nafiidiyo ka hor inta dhismahaaga iyo xeradaba ayna soo galin. Waxa kale oo loo baahan yahay dadka dhex jooga xeradaada ay iyaguna nadiif yihiin.

  • Baabuurta in la nadiifiyo. Baabuurta shimbiro kale soo ag-joogtay, waxay si fudud u soo qaadi karaan waxyaabaha cudurka keena, isla markaana u keeni karaan deegaankaaga ama xeradaada. Baabuurta soo qaadda cuntada shimbahara ee ka timaadda meelaha cuntada shimbiraha lagu iibiyo waa in sida ugu wanaagsan ee hanaanka Biosukuritiga leh loo eegaa.
    • Adiga oo calaamado isticmaalaya, xeradaada ka horjoogso isu socodka baabuurta. Inta ayna xerada soo galin, wadayaasha (dareewalada) baabuurta waa in la weydiiyaa in 48kii saacadood  u dambeeyey ay joogeen meel shimbiro ka ag-dhaw yihiin. Baabuurtaa dhoobada (dhiiqada) leh ama sida aadka ah u wasakheysan waa in la dhaqaa ka hor inta ayna soo galin dhismahaaga ama meesha xerada u dhow.
  • Qalabka oo la nadiifiyo. Qalabka la isticmaalo iyo kuwo meelo kale laga keenay waxay cudur u soo qaadi karaan xerada, haddii ay shimbiro kale ag yaalleen. Qalabkaas shimbaraha kale ag yaallay xerada ka fogee. Haddii qalabkaas loo baahan yahay oo uu horay u ag yaallay noocyo kale oo shimbiraha ah, markaa si buuxda u masax oo kiimiko ugu nadiifi, ka hor inta ayna xeradaada soo galin.

Biosukuritiga iyo tartanka qoolleyda

Waxa laga yaabaa inay u muuqato in ciyaaraha qoolleyda lagu tartansiinayo ay dhibaato u keeayaan dhammaan tallaabooyinkii dhinaca Biosukuritiga ee xerada. Dhowr wax oo aa kuu sheegnay inaad ka fogaato, waxay ka dhacaan goobta tartanku ka socdo. Hase yeeshee, Biosukuritiga waxaa sidoo la sameyn karaa marka tartanku jiro si loo yareeyo fursadda uu cudurku ku iman karo goobta tartanku ka socdo.

Biosukuritiga Shimbiraha laga soo celiyey goobta tartanka

Waxaa jira labo hab oo loo mari karo tartanka. Labaduba waa sharci, mid kasta oo ka mid ahina waxa uu leeyahay faa’iido iyo khasaare. Hab kasta oo la doorto, waxay ku xiran qofka xerada iska leh, ka marka si taxaddar leh loo eego faa’iidada iyo khasaaraha la socda mid kasta oo ka mid ah labada hab. Waa kuwan labada hab:

  • Naadi kasta oo lagu tartamo waxaad ka soo qaadda hal qeyb oo Biosukuriti ah. Si kale haddii aan u niraahno, shimbiraha isku naadiga jooga, waxaa loola dhaqmayaa sidii kuwo hal xero ku wada jiray. Markaa, haddii aad shimbir cusub keentid xeradaada, taas oo ka tirsan isla naadiga ay kuwada duulaan, markaa loolama dhaqmayo sidii shimbir meel kale ka timid. Markii shimbiruhu ay tartan ka soo noqdaan, waxaa isla markiiba lagu celin karaa xerada maxaa yeelay waxay wada duulayeen shimbiro ay isku xero yihiin.
    • Faa’iidada: Habkani waa mid fudud in la dhaqan galiyo, maxaa yeelay uma baahna karantiin dheeraad ah oo lagu sameeyo shimbiraha hal tartan ka wada qeyb galay.
    • Khasaaraha: Mid kasta oo ka mid shimbiraha naadigaas ayaa cudur keeni kara, qof kasta oo hanaanka Biosukuritiga aan kor ku soo sheegnay raacayna cudurka wuu qaadi karaa.
  • Waxaad kasoo qaadda in dhamaan xeryaha kale ee aan taada ahayn ay cudur keenayaan. Dhammaan shimbiraha ka soo noqoday tartanka waxaa la kaarantiimayaa muddo 14 maalmood ah ka hor inta aan xerada lagu sii deynin.
    • Faa’iidada: Habkani waxa uu qofka xerada iska leh siinayaa awoodda uu xeradiisa ku ilaashado. Si guud, waa hab ammaan ah.
    • Khasaaraha: Waxaa jiraya shaqo iyo qorsheyn dheeraad ah oo lagaaga baahanayo si aad u gaarto habka noocan ee Biosukuritiga ah.

Biosukuritiga marka shimbiraha laguu keeno iyo marka naadiga la joogo

Hab kasta oo Biosukuriti ah oo aad xeradaada u dooratid, waxaa jiraya dhowr arrimood oo caqli u baahan, kuwaas oo ah inay qeyb ka noqdaan tallaabooyinka Biosukuritiga ee naadigaas.

  • Baabuurka keenaya waa in kiimiko lagu nadiifiyey ka hor inta aan shimbiraha la saarin. 
  • Baabuurka keenaya waa in aanan loo ogolaanin inuu ka soo ag-dhawaado dhamman xeryaha. Shimbiraha waa in la geeyaa meel ka fog xeryaha si baabuurku uuna u cudurka ugu dhex fidin xeryaha.
  • Shibmir xanuunsan waa in aan marnaba la saarin baabuurka ama aan naadiga la keenin.
  • Gacmaha waa in la dhaqaa ka hor intaan shimbiraha lagu qaban. Shimbiraha ka yimid hal xero waxaa laga soo qaadayaa sidii hal shimbir oo kale, iyada oo gacmo dhaqid ama nadiifin kale aan la sameyneynin. Waxaa gacmaha la dhaqayaa marka la taaabanyo himbiraha xero kale ka yimid.

Biosukuritiga baabuurka

Baabuurka waa si buuxda loo nadiifiyo, jeermiskana looga dilaa inta aan mar kale la isticmaalin.

  • Ka saar waxyaabaha organigga ah sida xaarka, baalashada, iyo dhoobada (dhiiqada) ee ku dhaggan dusha, godadka taayarada, iyo meelaha hoose ee wax lagu qaado. In kasta oo ayna lagama maarmaan aheyn, haddana caddaadis badan, biyo kulul, iyo saabuun ayaa waxtar weyn leh marka la nadiifinayo.
  • Jeermiska oo laga dulo dhamaan dusha sare. Waxaa jira dhowr wax oo jeermiska dila, kuwaas oo wax fiican ka tara inay cudurka dilaan, hase yeeshee, midkoodna waxtar fiican ma leh haddii aan si wanaagsan loo nadiifin.
  • Daba-gal. Aad bay muhiim u tahay in qof uu si wanaagsan u eego shaqada nadiifinta iyo jeermis-dilidda si loo hubiyo in waxyaabaha organigga ah oo dhan baabuurka laga wada saaray.
  • Si buuxda u engeji (qallaji) ka hor inta aan baabuurka la isticmaalin. Qallajinta nafteeda ayaa ah hab wanaagsan oo lagu dilo waxyaabaha cudurka keena. Qallajintu waxay baabuurka u ogolaaneysaa in si wanaagsan u nadiifoobo ka hor inta aan mar kale la isticmaalin.

Practicing biosecurity

These biosecurity practices will help you prevent the following:

  • Disease spread between racing pigeon lofts

  • Introduction of new infections to birds prone to disease

 | 

Biosecurity and racing

 | 

Carol Cardona Extension poultry virologist

Reviewed in 2023

Page survey

© 2024 Regents of the University of Minnesota. All rights reserved. The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer.