Extension Logo
Extension Logo
University of Minnesota Extension
extension.umn.edu

Macluumaad aas-aasi ah oo ku saabsan hargabka shimbiraha, kuna socda dadka haysta shimbiraha xeryaha furan ku jira iyo kuwa sida organiga ah loo koriyo

Waa maxay Hargabka Shimbiruhu?

Hargabka Shimbiraha oo afka qalaad lagu yiraahdo Avian Influenza (AI) waa cudur ku dhaca shimbiraha la dhaqdo sida digaagga, turkiga, digaag-duurka, boollo-boollada, iyo ceelaabada. Digirinka iyo xiidanxiitadu waxay iyagu hoy u yihiin fayraska noociisa keena cudurka hargabka shimbiraha, waxayna fayraska ku hurgufaan deegaanka, iyaga oo xitaa wax xanuun ahi aanu ka muuqan. Qaar ka mid ah noocyada hargabka shimbiraha ayaa loogu yeeraa kuwo khatar badan, waxana loo soo gaabiyaa (HPAI), maxaa yeelay si ka duwan sida feyraska Digirinka, fayraskani waxa khatar weyn ayuu ku yahay shimbiraha. Calaamadaha khatarta ah ee lagu arko digaagga marka HPAI uu hayo waxay iskugu jiraan kuwo la xiriira dhinaca neefsiga iyo dheef-shiidka, waxana xiga in shimbirtu ay dhakhso u dhimato. Xiligaas waxaa barar lagu arki karaa madaxa, qoorta, iyo indhaha, waxaana isbeddel ku yimaadda midabka madaxa iyo lugaha kaas oo yeesha midabka casaan-buluugga (purple). Si taas ka duwan, noocyada kale oo shimbiraha, sida turkiga, waxaa lagu arkaa calaamado dhinaca dareen-wadka ah, sida jirka oo dubaaxiya, qoorta oo qaloocata, garbaha oo taag beela, iyo iyaga oo lugaha hawada ku dhaqdhaqaajiya, iyada oo dhabarku uu dhulka u yaallo. Waxa caadi ah in dhamaan shimbiraha (marka laga reebo boollo-boollada iyo ceelaabada) uu xanuunku dhakhso ugu bilowdo, tiro badanna ay ka dhimato.

Khatarta dadka uga imanaysaa aad bay u yar tahay, mana jirto welwel dhinaca cuntada ah maxaa yeelay shimbiraha uu cudurku ku dhacaa suuqa ma soo gaaraan. Khatarta in caabuq dhasho waxay ku kooban tahay dadka tooska ula tacaala dhimbiraha uu xanuunku ku dhacay oo kaliya. Xasuusin ahaan, shimbiraha iyo ukumaha waa in si wanaagsan loola tacaalaa, laguna kariyaa heerkul gaaraya 165-degree Fahrenheit. Ha cunin shimbiro u muuqda inay jiran yihiin ama sababo aan la garaneynin u dhintay.

Wixii aad sameyn lahayd haddii aad ka shakido in shimbirahaagu ay qabaan hargabka shimbiraha ee aadka u daran.

Gobolka kastaa waxa uu leeyahay hay’ad u gaar ah oo lagu talo galay inay ka jawaabto xaalada hargabka shimbiraha. Minnesota, hay’adda u qaabilsani waa Board of Animal Health. Haddii shimbirahaagu ay la kulmaan dhimasho tiro badan ama boqolkiiba in badan ay muujiyaan calaamadaha hargabka shimbiraha ee daran, fadlan, horay ugu wargali dhakhtarkaaga xayawaanka ama Minnesota Board of Animal Health. Booqo website-kooda, ama wac Minnesota Poultry Testing Laboratory (MPTL), lambarka (320) 231-5170. MPTL waxay la shaqeysaa Veterinary Diagnostic Laboratory VDL ee Jaamacadda Minnesota, faraceeda St. Paul. Sheybaarkani waxa uu sameeyaa baarista ku saabsan hargabka shimbiraha. Wixii faahfaahin dheeraad ah, la xiriir VDL, lambarka 612- 625-8787 ama booqo website-kooda.

Talooyin Muhiim ah oo Biyosekuuritiga la xiriira.

Maaddaama bilowga cudurka HPAI uu ka yimaaddo shimbiraha duur-joogta ah, gaar ahaan digirinka oo ku badan dhulka qoyan ee beerta, shimbiraha la dhaqdo ee lagu hayo meelaha furan ayaa khatar weyn ugu jira inay qaadaan cudurka HPAI. Shimbiraha uu ku dhacay cudurkani waxay fayraska u gudbin karaan shimbiro cusub, arrintaas oo ka imanaysa isu-socodka shimbiraha, xaarkooda, qalabka beerta, iyo dadka shimbirahaas xiriirka la soo sameeyey.

Fayraska HPAI waxa uu bilo dhowr ah ku sii jiri karaan xaarka shimbiraha, gaar ahaan markii ay jiraan qoyaan badan iyo heerkul hoose.

Shimbirha xerada furan lagu dhaqo, oo ay ku jiraan kuwa loo dhaqo sida organiga ah, waxay noqdeen hanaan caan baxay oo meelo badan oo Maraykanka ah laga sameeyo. Shimbirahan xerada furan lagu dhaqo, bayosekuuritigu wuu ka dhib badan yahay shimbiraha ka xerada xiran lagu dhaqo. Hase yeeshee, waxaa wali suuro gal ah in layn wax kala saara aad ka sameyso beertaada, ilaa xadna aad kala saarto shimbirahaaga xerada ku jira. Taas micnaheedu waxa weeye in talaabo hagaagsan aad qaadday si loo yareeyo khatarta HPAI, adiga oo shimbirahaagii ka fogeynaya shimbiraha duur-joogta ah, duur-joogta kale, iyo jiirka (doolliga).

Si aad u yareyso khatarta cudurka HPAI:

  • Waxaad sameysataa qorshe bayosekuuriti adiga kuu gaar ah, kuna dhaganow xitaa markii raaciddiisu ay adag tahay.
  • Gaar u saar shimbiraha beertaada furan. Shimbiraha ha u dhaweynin meelaha biyaha leh, si digirinku aanu ugu soo darsamin. Tani waa arrin khatar weyn leh.
  • Ha istimaalin biyaha laagta ama jidhaanta si aad u cabsiiso shimbirahaaga, ilaa biyahaas la sifeeyey, dawo lagu daray, ama jeermiska laga dilay. (Dadka dhaqda digaagga organiga ah waxay inta badan isticmaalaan khalka apple cider-ka, iyaga oo biyaha ku dara. Habkani yaanu noqonin ka kaliya ee aad iskaga difaacayso fayraska cudurka HPAI ee biyaha ku jira.)
  • Dabool weelka wax lagu quudiyo, cuntadana dhig meel aan duurjoogta iyo shimbiraha kale gaari karin.
  • Shimbiraha duurjoogta ah ha quudin, cuntana yaanay kaa helin, ka hortag wax kasta oo keenaya inay is dhex galaan shimbiraaga iyo kuwa duurjoogta ahi.
  • U samee hoy ama meel lagu xerayn karo haddii cudur dilaaco. Hoygaas aad sameysay waa in laga horjoogsadaa in shimbiraha duurjoogta ahi ay soo galaan ama ay ku soo xaaraan. (Halbeegyada National Organic Program (NOP) waxay ogol yihiin in muddo kooban meel lagu xiro shimbiraha sababo la xiriira jawiga oo xun iyo welwel kale oo caafimaad. Hanaanka muddada kooban shimbiraha lagu xayirayo waa inay ogolaataa hay’ad sharci u leh, shimbirahana waa in loo sameeyaa ilaaladii lagama maarmaanka ahayd, iyada oo la raacayo halbeegyadii kale ee NOP. La tasho hay’adda sharciga u leh haddii aad dooneysid inaad shimbirahaaga meel ku xirto.)
  • Nadiif ahow, waxaanad xirataa dhar nadiif ah marka aad eegaysid shimbiraha aad dhaqanaysid. Cudurka ha ka soo qaadin xerada oo ha keenin beerta ama meelaha kale oo shimbiraha lagaga shaqeynayo.
  • Booqashada waa in la xaddidaa. Dadka shimbiraha leh waa in aanan loo ogolaanin inay shimbirahaaga soo booqdaan. Dadka soo booqanaya sii dhar iyo kabo nadiif ah, kuwaas la dhiqi karo ama la iska tuuri karo.
  • Hawshaada adigu kaarantiin gali, waa haddii aad dareentid in shimbiruhu jiran yihiin amaba la xiriir dhakhtarkaaga xayawaanka.

Authors: Wayne Martin, Extension educator; Robert Porter Jr., Extension poultry specialist; Sally Noll, Extension poultry scientist and Carol Cardona Extension specialist and poultry virologist

Reviewed in 2023

Page survey

© 2024 Regents of the University of Minnesota. All rights reserved. The University of Minnesota is an equal opportunity educator and employer.